DAAWO VIDEO: Masar oo Saldhig Milatari ka sameeysaneeyso Soomaaliland & Muuse Biixi oo Aqbalay !

Xubno ka socda Dowlada Masar ayaa maalmahii lasoo dhaafay waxaa ay ku sugnaayeen Magaalada Hargeeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland,iyagoo Mas’uuliyiinta Mamulkaasi kala hadlayay arrin la xariirta Saldhig laga siinaayo Deegaanada Gobolada Waqooyi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed waftiga oo isugu jiray diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan millatariga Masar, waxay xukuumadda Somaliland u soo bandhigeen in ay saldhig millatari ka sameystaan xeebaha Woqooyi ee Somaliland, iyagoo booqday qaar ka mid ah dhulka xeebta magaalada Berbera iyo gobalka Awdal meelo kamid ah.

Somaliland, waxay ogolaatay in ay bixiso saldhigan Milateri, labo meelood oo kala ah Saylac iyo Agagaarka Berbera ayaa ah meelaha ay calaamadiyeen wafdiga Masar oo ay la socdeen xubno sare oo qaabilsan arrimaha dhulka, si weyna u darsaya marxaladaha iyo goobaha ku haboon saldhigyada ciidamada.

Masar, waxay is hayaan Itoobiya oo khilaafkoodu gaaray halkii u sareysay, waxayna doonaysaa saldhig ciidan oo haddii awood laysku adeegsado ay ka weerarto Addis Ababa, laakiin taasi wey ku adag tahay Somaliland, inkasta oo ay wax kasta Hargeysa dhaafsan doonto in ay hesho xariirka dal weyn oo muhiim ka ah dunida iskuna xiraya Afrika iyo Dunida kale.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya oo leh sharciyada dhuleed ee dalka wali kama aysan hadlin arrimahan ay ku dhaqaaqday Xukuumada Qaahira, xili uu xun yahay xariirka diblumaasiyaded ee u dhaxeeya Masaarida & DF Soomaaliya, kaas oo ka dhashay markii ay Soomaaliya diiday in Itoobiya lagu cambaareeyo buuxinta biyo-xireenkeeda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here