DAAWO VIDEO: Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo Muuse biixi ka dalbaday in Maamulaha Astaan Tv oo xiran uu siidaayo

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa si dareenleh waxaa ay uga hadleen Ganacsade ku xiran Xarunta Maamulka uu Hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi ee Soomaaliland kaasi oo ilaa iyo imanka aan la caddeeyn sababta rasmiga ah ee uu u xran yahay.

Cabdimanaan Yuusuf Maxamuud oo ah Agaasimaha Astaan Tv sidoo kale ka mid ah saamileeyda Tv-ga ayeeyna wali Soomaaliland ka hadlin Sababta Rasmiga ah ee ay u xiratay,waxaana uu ganacsiyo kale duwan ku leeyahay Soomaaliland iyo koonfurta Soomaaliya.

Waxgaradka ku shiray Muqdisho waxaa ay sheegeen in sababta loo xiray ay tahay kaliya in uu qaraabo la yahay mid ka mid ah Wasiirada Dowlada Farmaajo laguna eedeeyay in uu basaas yahay,taas ayeey Odayaashu ku tilmaameen baneeysi hantidiisa ah.

Si cad ayeey u sheegeen in Ganacsiga uu u furan yahay Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ayna suuragal ahayn in qofka la iska xirto iyadoo la rabo in hantidiisa la dhaco.

Lama ogo Soomaaliland Jawaabta ay ka bixin doonto hase’yeeshee waxaa hargeeysa ku xiran shaqsiyaad badan oo sidaan oo kale aan la ogay sababta loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here