DAAWO VIDEO: Qoor-qoor oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Qatar & Shaki laga Muujiyay !

Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye kusoo booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ah Midkii ugu horreeyay ee dhexmara Qoorqoor iyo sidoo kale dowladda Qatar ayaa looga hadlay fulinta ballanqaadkii dowladda Qatar ee dhismaha Dekedda Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka waxaa kaloo ka wada hadleen Mashaariicda dowladda Qatar ay horay u ballanqaaday oo ku aadanna degaanada maamulka Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here