DAAWO VIDEO:Chiinaha oo Dhoolotus Yaab leh ka Sameeyey Xeebaha Soomaaliya Waqooyi Damaca Taiwan Iyo Maraykan ka Dhan Ah.

Warbaahinta Shiinaha ayaa faafisay muuqaal muujinaya layli millateri oo ay Shiinuhu ka sameeyeen Gacanka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhaxaysa Jabuuti iyo Yaman, una dhow xeebaha woqooyi ee Somalia.

Ilaa 3 markab oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Shiinaha ayaa dhoollatuskan ciidan ka qayb galay, si ay u muujiyaan cududdooda ciidan ee dhanka badda.

Shiinaha ayaa saldhig badeed uu dibedda ku yeesho midkii ugu horreeyey ku leh dalka Jabuuti, isagoo dano badan ka leh gobolka istraatijiga ah ee Geeska Afrika oo ay quwado waawayni ku hardamayaan.

Dhoollatuskan ayaa imanaya jeer uu Shiinuhu markii 2-aad muddo todobaad ah sheegay inuusan ku faraxsanayn in lasoo farageliyo arrimihiisa gudaha, kaddib markii ay Somaliland sheegtay inay xiriir la samaysatay Taiwan, oo ay Shiinuhu u arkaan gobol fallaago ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeeddo xiriirka dibloomaasiyadeed ee ay aas-aasteen maamullada Taiwan iyo Somaliland, oo ka kala tirsan Shiinaha iyo Soomaaliya, balse gooni u goosad ah.

Halkani Hoose Ka Daawo

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Beijing, ayaa sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland.

Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan.

“Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta, iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xiriirada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yiri Zhao Lijian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here