DAAWO VIDEO:Isimada Warsangali Oo Ka Horyimid Gooni Isutaaga Puntland kuna Baaqay Shirweyne Dhulbahante iyo Warsangali

}Isimada beelweynta Warsangali Ayaa ka hor yimid qorshaha ay Damac san tahay Puntland ee ah inay ka goostan Soomaaliya si lamid ah sida maamulka SNM uga goostay Dalka,

Garaad Cabdirasaaq oo kamid ah isimada warsangali oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in aysan suuro gal ahayn in hada ay Beelaha Warsangali iyo dhulbahante u hogaansaman qorshaha ay wadan waxa uu ugu yeedhay Maxamuud Saleebaan ee Ay ku doonayan inay Dalka soomaaliya uga baxan.

Sidoo kale Garaadka ayaa taageeray Meeqaamka Caasimada Muqdisho uguna hambalyeeyay shacabka reer Banaadir 13 Xildhibaan.

Garaad Cabdirsiaaq ayaa dhanka kale ku tilmaamay wax lagu qoslo in xiligan Puntland ka hadasho meeqaamka gobolada SSC.

Ugu Danbayn Garaadka ayaa ku baaqay shirweyne Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali oo looga hadlaayo mustaqbalka Deegaanka SSC.

Halkani Hoose ka Daawo Muuqaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here