DAAWO VIDEO:Suuragalnimada in Kheeyre la Bedelo & Shaqsiga u calaameeysan Farmaajo (Xog-baaris)

Khilaaf curdun ah oo jiray tan iyo Dhammaadkii sanadkii tegay ee 2019 ayaa laga dareemayay Villa Soomaaliya kaasi uu dhaxeeya  Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iizul Wasaarahiisa Xassan Cali kheeyre Waloow uu banaanka yimid bilahii ugu dambeeyay.

Sida ay Marqaan Media Ogaatay Khilaafkaan ayaa waxaa uu salka ku hayaa arrimaha doorashooyinka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Labada dhinac,iyadoo Farmaajo uu daneeynaayo in mudada loo kordhiyo halka Kheeyre uu diidan yahay in Doorashada Waqtigeeda la dhaafiyo.

Illo Xog-gaal ah ayaa inoo sheegay in Ra’iizul Wasaare Xassan Cali Kheeyre  uu damacsan  yahay in uu xilka Madaxtinimo isku sharaxo taasi oo uu rajo-wanaagsan ka qabo,hase’yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa arrinkaasi u culeeys u arko waxaana uu ka dalbaday in uu muddo laba sano ah ku darsado ka dibna uu iska tago.

Halkani Hoose ka Daawo

Dalabkaasi Madaxweyne Farmaajo kasoo yeeray kama uusan aqbalin Xassan Cali kheeyre,waxaana uu horay u sheegay in Doorashada Waqtigeeda lagu qabanaayo taasi oo cadeeyneeysa xadiga khilaaf ee labada Mas’uul.

Doorashooyinka Soomaaliya goorta ay dhacayaan ilaa hadda lama saadaalin karo,hase’yeeshee Xaliimo Ismaaciil Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in mudada hartay aysan suuragal ahayn in doorasho lagu qabto sidaas awgeedna ay dalbanayaan mudo kordhin ilaa july 2021 ah.

Soo jeedintaasi oo dan u ah Madaxweyne Farmaajo waxaa diiday xubnaha Mucaaradka ah iyo Xildibaanada Qaar kuwaasi oo sheegay in aysan aqbaleeynin,3 sano iyo bar wada socod ah ayaa u muuqda hadda in uu gabagabo marayo islamarkaana jidka la iskaga tagi doono

2 COMMENTS

  1. ASC.
    marqaannews.net, Adna ma hirka Somali-diidka iyo wax ma garatadaa ku qaaday? WAR ka joog Mustaqbil ma Lehe. ≈©≈Adeer INTEE goor baad QURAANKA KARIIMKA ku aragtay QOLO yar oo kuwa badan ka guulaystay? Haddaad maanta wacantahay maku waari doontaa. ≈©≈Adeer, mara Cad oo lagugu dedaa kuu dambayne is aruuri intay goori goor tahay. WBT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here