R/wasaare Kheeyre oo Magacaabis Sameeyay & Shaqsi Caan ah oo xil loo dhiibay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u Magacaabay Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay). in uu noqdo maareeyaha mashruuca Aqoonsiga Qaranka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in xilka loo qaatay Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay). Si uu u soo shiso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority)

“Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay). ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa.

Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa ku dhashay Magalaada Galdogob 1978-dii,waxaana uu heysata dhalashada dalka Norwey, isaga oo sidoo kale mar soo noqday Madaxa IT-da (Information Technology) ee Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here