Wararkii ugu Dambeeyay: Shirka Dhuusa-mareeb & dalabka Axmed Madoobe & Deni !

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeba ka furmaya shir ay isugu imanayaan maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo maalma kahor ku wada hadlay taleefonka, kuna ballamay inay ku shiraan Galmudug.

Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirkaasi qabsoomo,hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira Madaxda Dowlad goboleedyada oo waqtigii loo baahnaa aanan tegin Magaalada Dhuusamareeb,balse dhamaantood ay haatan ku wada sugan yihiin halkaas.

Shirkan oo uu martigelinayo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay maalma kahor waxaa lagu sheegay in uu yahay shir degdeg ah oo looga arrinsanayo doorashooyinka, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirta xaalad siyaasadeed, guddiga doorashooyinkana ay baarlamaanka kahor sheegeen in aysan xilligan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ayna u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si ay u qabtaan hawsha dhiman.

Maamul goboleedyada ayaa la aaminsan yahay inay doonayaan in laga tal-geliyo arrimaha doorashooyinka soo socda,,waxaana ka hor shirka dowlad Goboleedyada,in kasta oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in doorashada soo socota ay waqtigeeda ku dhaceyso,isla markaana hadalkaas uu ku raacay Madaxweyne Farmaajo.

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo shirka ka qeyb-geli doona ayuusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin dowladda federaalka, waxaana la saadaalinayaa in shirkan looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, maadaama inta badan waxyaabaha y isku hayaanay yihiin arrimo siyaasadeed.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo ay wataan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here