XOG Shirka Dhuusamareeb Xog Muhim Ah Ayaan Idinka Haynaa Doorashada Soomaaliya Dooda Ku Saab san

Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka socda kulamada Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ay kaga hadlayaan suuragalnimada furmashada shirka labada dhinac.

Xalay waxa ay yeesheen kulan qaatay kudhawaad 6-saac, natiijo sidaas u muuqata kama soo bixin, kaliya waxaa lagu go’aamiyay in lasii joogteeyo kulamada wada xaajoodka ee gogol-xaarka u ah shirka guud.

Kulan Saddexaad oo dabasocda labada kulan oo horay oo aadka u adkaa ayaa ka socda Aqalka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waa ay doodayaan.

Qodobka ilaa haatan la isku mari la’yahay waa Nuuca Doorasho ee dalka ka dhaceyso, Ma mid dadban baa mise waa Doorashada qof iyo codka ah ee oo ay u codeeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulankan 3-aad sida ay howlwadeenka Wadahadaladu u sheegeen Mustaqbal waa kan ugu dambeeya kulamada gogol-xaarka ah ee Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada iyo Xukuumadda dhexe.

La soco wixii kasoo kordha

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*