XOG Turkiga oo La Wareegey Bada Iyo Biyaha Soomaliya Iyo Dhulotus Yaab leh oo Lagu Soo Bandhigay

Turkiga ayaa wuxuu rasmi ah u hogaamin doonaa taliska wadajirka ah ee burcad-badeeda kula dagaalamaya Gacanka Cadan iyo hareeraha xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

 

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa Sabtidii waxay war qoraal ku sheegtay in isbedelka hogaanka oo soo bilowday 25-kii June ee sanadka 2020 uu dhamaanayo bisha December 10-keeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka kooban yahay ciidamo ka kala socda wadamada; Mareykanka, Brazil, Baxreyn,Britain, Japan, Kuuriyadda Koonfureed, Kuwait, Pakistan, Cumaan iyo Turkiga oo September u diray markab dagaal.

 

Ciidamadda Badda Turkiga ayaa tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2009-kii ka qeyb-qaadanaya ololaha wadajirka ah ee lagu baacsanayo shuftabadeeda gobolka, waxaana uu hogaan u noqdey shan jeer.

Howlgalkaan oo la aas-aasay Febraayo 2002-dii ayaa ujeedkiisu yahay la dagaalanka argagixisada badda ee Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfur
Aasiya, sidda ku xusan heshiis ay kala saxiixdeen dalalka.

 

Gaashaanbuurtan ayaa ka howlgala Badda Cas, Gacanta Carabta, Gacanka Cadan, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

 

Biyaha Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu balaaran oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda ah, arrintaas oo caqabad ku noqotay wax-soosaarka maxaliga ah iyo maraakiibta klae ee caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here