DAAWO VIDEO:Muuqaal Naxdin leh Qaraxa Beirut Maxa Ka Jira Israel Inay Fulisey

Qarax weyn ayaa ka dhacay magaalo madaxda Lubnaan ee Beirut iyadoo la filayo xukunka dilkii raysal wasaarihii hore dalkaasi ee Rafik Hariri oo 2005-tii la dilay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka dekadda magaalada. Waxaa jira warar kale oo aan la xaiijin oo tibaaxaya inuu dhacay qarax kale, ilaa haatanna ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi. Waxaa illaa haatan la sheegay inay ku dhineen tobannaan qof, halka boqollaalna ay ku dhaawac meen.

Israel Ayaa Lagu eedeyey Madama Horay qaraxyo Uga Fulisey dalka Iran todobaadkani balse Israel Ayaa Iska Fogaysey.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeyay iyo qasaaro baahsan.

Waxaa la filaya in maxkamad la soo taago afar eedeysane oo loo haystoo dilki Xariri.

Dhammaan afarta xubnood ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka Xisbullaah oo ay Iran taageerto, kuwaasi oo markasta iska fogeeya iney ku lug leeyihiin dilka Xariri. Iyaga oo aan joogin ayaa dambiga lagu qaaday, go’aanka maxkamadana waxa uu soo baxayaa Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here