Deegaan ka tirsan gobolka Sool oo lagu sii qul qulaya & Waftiyo gaadhay

Wararka imaanaya deegaanka Saax Dheer ee gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaankaasi ay gaadheen ergooyin iyo wufuud kala duwan oo kamid ah madax dhaqameedyada goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dhinacyada gaadhay deegaankaasi ay ka qayb gali doonaan gogol nabadeed oo uu Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac u dhigay beelo walaalo ah oo shaqaaqooyin marar kala duwan ay ku dhex mareen deegaanka Buuhoodle.

Wajigii koowaad ee shirka nabadeynta labada beelood ayaa ka dhacay degmada Horufadhi ee gobolka Cayn, waxaana wajigiisii labaad laga dhigay deegaanka Saax Dheer.

Ergooyinka labada beelood ayaa ka qayb galaya shirka nabadeynta ee ka dhacaya Saax Dheer, waxaana maanta gaadhay deegaankaasi waxgarad iyo odayaal dhaqameedyo kasoo kala jeeda labada beelood.

Garaad Jaamac Garaad Jaamac iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale ayaa hore ula kulmay odayaasha labada beelood, waxaana dhinacyada kala duwan ay ku qanciyeen in nabada laga wada shaqeeyo lana dhameeyo wax kasta oo jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here