DEG DEG Raysal wasaare Cusub La Magacabay Magaciisa Iyo Taarikhdisa Villa Somaliya Wariyaasha.

Warbaahinta Ayaa isha Ku haysa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya,Iyadoo Laga Dhur Sugayo Magacaabida Raysal Wasaaraha Cusub saacadaha Soo Aadan Sida Wararku Sheegayaan.

Wariyaasha Ku Dhow Madaxtooyada Ayaa Sheegay In Lagu Wargaliyey In Looga Yeedhayo Xarunta Madaxtooyada dalka ,Iyadoo Hada Todobaad Laga Joogo  Xiliga Xilka Laga Qaaday Raysal wasaarahii Hore xasan Cali Khayre.

Warbaahinta Ayaa Ogaatey Shaqsiga Hada Loo magacabayo Raysal wasaaraha Magaciisa Iyo taarikhdiisa oo Dhamaystiran ,Walow Ay Jiraan Madax kale oo tartan ugu Jira Inay xilkanu Qabtaan .

DEG DEG Magacabida Raysal wasaaraha Qoor Qoor Ninku Wato,Jahwareerka Xulashada MW Farmajo

Shaqsigani Waa Midka Ilaa Hada Loo badinayo Xogta Magacabida.

Siyaasi Farxaan Cali Axmed ayaa ku soo biiray Siyaasiinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo u gudbiyay Sooyaalkooda nololeed si loogu magaacabo Xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee dalka.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in uu ka mid yahay xubnaha ugu cad cad, oo saacadihii ugu danbeeyey ay hadal hayntiisu ay ku badneed Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Farxaan waxa uu ku dhashay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, Waxbarashadiisa heer Jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay dalka Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Koobaad BA (hon) public policy and Management iyo Shahaadada labaad ee Masterka Msc in International Conflict.

Horay wuxuu uga soo shaqeeyey Hay’adaha Samafalka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Dowladda, Hadda waa qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Waa khabiir xaga diplomaasiyada oo muda kasoo shaqeeynaayey Qaramada midoobay iyo midawga Afrika,isla markaana la aamisan yahay in uu kasoo bixi karo xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waana Nin Galaan Gal Fican ku leh dalka Itoobiya Saxiibna La Ah Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed Sida Sawirkaasi Ka Muuqata.

 

1 COMMENT

  1. ASC.
    MAALIN WALBA MID SUMMAD LAAWAA OO REER KOOFURA NOO SOO XAYAYSIIYA, MAYA FARMAAJO KAA DIIDNAY RUUXAAN REER WAQOOYI AHAYN NOOMA CUNTAMO. WBT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here