Madaxweynayaashii Hore oo Villa Somalia uga digay in ay Fara-geliso Hirshabelle & Waare oo lala dardaarmay !

Madaxweynayaashii Hore ee Dalka  Xassan Shiikh Maxamuud,Shiikh Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Hir-shaballe Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed cali Caadle,iyagoo ka wada-hadlay arrimaha Hirshabelle.

Maamulka Hirshabelle oo la filaayo in dhawaan ay doorasho ka dhacdo ayaa waxaa isku hardinaayo Villa Soomaaliya oo dooneeysa in ay geeysato shaqsi ay rabto iyo Mucaaradka oo arrinkaasi aad u diidan,taas ayaana sababtay in kulamo joogto ah ay dhacaan.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare ayeey u sheegeen in aysan ka baqli doonin in uu villa Somalia u nacamleeyo,taas oo hadii ay dhacdo ay u sheegeen in uu xilkiisa ku waynaayo.

Go’aanka uu qaadan doono lama Maxamed Cabdi Waare hase’yeeshee waxaa lagu tuhmaa in uu u jajaban yahay Villa Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here