Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Shirka Dhuusamareb 3

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug kaddib socdaal hawleed qaatay 2 isbuuc.

Wefdiga Madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Xubno katiran golleyaasha Xukuumadda & Baarlamaanka, maamulka caasimadda yo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo hadal kooban siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareb 3 Waqtigii loo asteeyey uu ku qabsoomayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Galmudug ay dadaal badan ku bixin doonto maalmaha soo socda xaqiijinta Ammaanka Madaxda kala duwan ee kusoo wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here