Mas’uul ka tirsan Maamulka Magaalada Beledweyne oo la dilay

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Rag hubeysan ay Gudaha Magaaladaasi gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawo Taako.

Mas’uulka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jeelle Gaarane Cabdulle, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Beledweyne iyo ehellada Mas’uulka la dilay, iyaga oo meydka goobta ka qaaday.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Hir-shabelle ay howlgallo ka sameeyeen Xaafada Xaawa Taako ee Magaalada Beledweyne, iyaga oo badi goobayay raggioi dilka u geystay Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawo Taako.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Maamulka Hir-shabelle walow mararka qaar ay falal amni darro ay ka geystaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here