Soomaaliya oo qeyb gashay Shirka Covid 19 ee WHO

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka- DFS H.E Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Aalada Fogaan aragga ee Internetka kaga qeybgashay kulanka Xog-Isweydaarsiga COVID19 ee WHO.

Wasiir Fawziya ayaa xaalada COVID19 ee soomaliya uga xog warantay Wasiirada, Madaxda Caafkmaadka iyo Madaxa ugu sareeyso Hay’adda WHO Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Waxa intii shirku socday ay ka warbixasay Guulaha la gaaray COVID19 iyo caqabadaha jira iyo waliba dadaalada ay dowlada ugu jirto la tacaalida xanuunka saf marka ah ee COVID19.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan dadkii laga baaray Cudurka corona virus maalintii ugu dambeysay laga waayay, islamarkaana natiijada baaritaanada ay noqotoy 0.

Warbixin kasoo baxda Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in guud ahaan tiradda dhimashadda ay gaartay 93 ruux tan iyo markii Cudurka corona virus uu ka bilowday Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here