Armenia Iyo Azerbaijan Laba Wadan Oo Ku Dagaalamaya Hubkii Ruushka , Yaa Awood Badan ?

Awoodda milateri ee labada wadan ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa ah mid kala fog , hadaba warbxintaan waxaan ku soo koobeynaa xog laga sameeyay dhankaas ka dib dagaalka labada wadan ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Ciidanka Azerbaijan waxa ay  kala sareynta awoodda ciidan ee dunida kaga jiraan 64 oo qeyb ka ka ah 138 wadan ee dunida halka Armenia ayay kaga jiraan 111-aad , waxaana warbxintaan aynu ka soo xiganay bogga globalfirepower oo si weyn ugu taqasusay arimaha ciidanka.

Halka arin ee labadaan wadanka milateriga isaga midka yihiin  ayaa ah in ay adeegsnayaan hub uu sameeyay wadanka Russia.

Diyaaradaha ay heeystaan labada ciidan ayaa ah inta badan nooca ah Sokihi ama Mig halka dhanka gantaalaha ay ka haystaan T-72 iyo T-90 waana nooc Russia  ah halka sidoo kale ay haystaan hub Isreal ay sameysay .

Hadaba waa tan is bar bar dhigga awoodda labada wadan ee dhanka ciidan:Miisaaniyadda difaac ee Armenia waxa ay gaareysaa 1.4 bilyan oo doolar , tirada ciidanka waa 245 kun halka kuwa haatan shaqada ku jira ay gaarayan 45 kun xilli keydka uu yahay 200 kun.

Dhanka diyaaradaha cirka waxa ay haystaan 4 diyaarad oo ah  nooca Mig21 iyo 12 , sidoo kale 27 nooca helokobtarka ah

Dhanka awoodda dhulka : 110 kaare xilli badda aysan haysan wax ciidan maxaa yeelay malaha marin badeed.

Dowlada Azerbaijan miisaaniyadeeda waxa ay gaareysaa 2.8 bilyan oo doolar , tirada ciidan waa 426 kun waxaa shaqada ku jira 126 kun halka keydka ay haystaan 300 oo kun.

Dhanka awooda cirka , 17 oo 5 ka mid ah waa Mig 21 , 12 iyo 29 , dhanka dhulka 570 kaare xilli badanna ay ka haystaan afar markab nooca dagaalka ah iyo 60 kale oo shaqooyin kale qabta

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*