Askari Muqdisho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa uu Maanta ku dilay Mid kamid ah wadayaasha ku Shaqeysta Mooto Bajaajka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Darawalka Bajaajlaha oo lagu Magacaabi Bile Cali Diini uu ka dhacay Xaafada Soonakey ee degmada Hodan, isla markaana askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

“ Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay askariga oo wadada dhinaceeda taagnaa yaa ka codsaday in uu qaado waana uu qaaday, balse markii ay marayaeen Xaafada Soonakeey uu Askariga rasaas ku furay sidaasina uu ku dhintay darawalkii Mootada ayuu yiri” Qof Goobjooge ah.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababta uu Askariga u dilay wadaha Mooto Bajaajka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Askariga uu ahaa mid isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Ehellada Darawalka Mooto Bajaajka ee la dilay ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Marxuumka , kaas oo la geeyay qeybta Meydka ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Waa kuma Darawalka Mooto Bajaajlaha ah ee la dilay?

Dad si aad ah u yaqaanay ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in uu ahaa Aabe laba Xaas leh, sidoo kalena ka sokow ku Shaqeynta Mooto Bajaajka gelinka dambe ee Maalintii uu mararka qaar ka Shaqeyn jiray Dukaan uu ku leeyahay Xaafada Soonakeey.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*