Cali Khaliif Galaydh oo markale runta usheegay Dhulbahante “Farmaajo waxba idiin ma hayo”.

Madaxwaynihii hore ee Khaatuma sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaarihii 8aad ee Somaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa muddo kadib kasoo hadlay hadalkii Madaxwayne Farmaajo ee ku saabsanaa Qadiyadda Dhulbahante ama Gobollada SSC.

Siyaasi Galaydh ayaa sheegay in Dadka dega gobollada SSC loo baahan yahay inay isku tashadaan maadaama aanu waxba u oolin Xamar.

“Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaalaan Xamar kadib jawaab la’aantii madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Siyaasiga.

Waa uu sii hadlay wuxuuba sheegay inuu waxqabad ka filayay Farmaajo laakin uu sii lumiyay rajadii bulshada gobollladaasi.

“Waxaan islahaa Farmaajo wuxuu goboladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhistaan ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale”.

Sidoo kale Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Dowladii hore ee Xasan sheikh rafaad badan kadib iyo qarash badan kadib ay dhistay maamulka Galmudug isla markaana ay ka filayeen Farmaajo inuu dhiso maamul ay yeeshaan Bulshada SSC.

“Galmudug sida lagu dhisay, dhibka laga maray iyo qarashaadka la galiyay waala ogaa. Hadaba SSC waa inay tashadaan oo hurdada kakacaan” ayuu yiri Cali Khaliif Galaydh.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*