DAAWO VIDEO:Sadex Arin oo uu Ku bahdiley Dalka Turkigu dalka Faransiiska oo uga Xanaajiyey

Warbaahinta Dalka Turkiga Ayaa Ka Faalooday talaabada uu dalka Turkiga Markabkiisa Uga Saaray Badda Lagu Mauranaa,waxaayna ka Jawaabayeen Inuu Turkiga Cadaadis kala Kulmay Dowlado Dhowra.

Balse Dowlada Ugu Weyn waxay Ahayd dalka Faransiiska,Iyadoo Sadex Arin oo isku Xiga uu Faransiiska U Dhigay Turkigu Ugana Guulaystey.

Arinta Koowaad:Markii Ay Jirtey Xiisada Siiriya  ee Turkiga uu Weerarka Ku qaaday Kooxda Kuridiyiinta,Faransiiska Ayaa Is Tusay Inuu Kusoo Jeediyo Cuna Qabatayn Uga Imaada Maraykanka Iyo Yurub,taasi oo ugu danbeyntii Faransiiska uusan Ku Guulaysan.

Madama uu Turkiga Xadka Siiriya Ka Hirgaliyey Qorshaha Ahaa Dhul Nabad Ah oo Lagu celiyo qaxoontiga Siiriya,Kadib Heshiis uu la Galay Ruushka Iyo Maraykanka.

Arinta Labaad:Markii Turkiga uu duulaanka Ku qaaday dalka Liibya ,waxaa Markaliya Cirka Gashay Faransiiska oo isku Dayey Inuu Kusoo Jeediyo Indhaha Caalamka dalka Turkiga.

Heer uu Faransiiska isku dayo inuu Hogaamiyo Howlgal Looga Hortagayo dalka Turkiga oo ku Danbeysey Inuu Turkiga Iska Difaaco,Ugu danbeyna Heshiis Xabad joojin ku danbeeyey.

Arinta Saddexaad:Faransiiska Ayaa Isku Dayey inuu Uga Faa’idaysto dalka Turkiga Xiisada Badda lagu Muransanaa,Wuxuuna Tageero military Siiyey Dalka Greece oo Turkiga Loolamayeen.

Waxayna Ku danbeysey Inuu Turkiga Markabkiisa Halkaasi kasaaro Si xal Siyaasadeed Looga Gaadho.

Halkani hoose warbixin Dheer ka Daawo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here