Daawo:- Wasiirka Xoolaha Puntland oo garab istaagay Dhulbahante isagoona weeraray Farmaajo.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Fiisigis oo waraysi muuqaal ah lala yeeshay ayaa si adag uweeraray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiir Fiisigis oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu yahay siyaasi aan koontorool uyeeli karin hadalada afkiisa kasoo baxaya.

Suaal kusaabsanayd Qadiyadda gobollada SSC oo dhawaan la waydiiyay Madaxwayne Farmaajo ayaa ku jawaabay inuusan awoodin inuu jawaab bixiyo waxaana arintaas ay noqotay mid ay si wayn uhadal hayaan Bulshada gaar ahaan dadka kasoo jeeda SSC.

Wasiirka xamaanada Xoolaha Puntland ayaa jawaabta Madaxwaynaha kutilmaamay mid aan ka imaan siyaasi waxgarad ah isla markaana uu aad ula yaabay qaabka uu uhadlay madaxwaynaha.

Dhinaca kale waraysiga Wasiirka ayaa kaga hadlay arimo kale oo quseeya siyaasadda SSC waxaana uu si adag udhaliilay dadka udhashay gobolladaasi ee xilalka udoonta Muqdisho iyo Hargaysa.

Hadalhaynta Baraha Bulshada ayaa maalmihii dambe noqotay Qadiyadda Gobollada SSC oo DFS iyo beesha Caalamka u aqoonsan yihiin dhul lagu muransan yahay.

Halkaan hoose kadaawo waraysiga oo dhamaystiran.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Hadal uu wisiirku yiri oo ah “Harti wuxuu dhalasha ahaan la simanyahy Habar awal ama Habar Yoonis “ Isaaqna Daarood mana rabaan inay iskala qayb qaybiyaan ee maxaa Harti loo kala qaybinayaa? Hadalkaa xigmad baa ku jirta in badan oo beesha Dhulbahante ka mid ah oo ina Galaydh ka midyahayna weligood taas garawsan maayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*