Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday gobolka Texas ee Mareykanka

Afar qof oo ka soo jeeda Louisiana ayaa ku dhimatay markii diyaarad ay sarnaayeen ay ku dhacday dhul daaqsimeed Texas ee Mareykanka xilli ay isku dayaysay in ay si deg deg ah ku degto, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Shilku wuxuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Hilltop Lakes, oo qiyaastii 120 mayl (193 kilomitir) waqooyi-galbeed ka xigta Houston.

Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Texas ayaa sheegtay in dhammaan afarta qof ee saarnaa diyaaradda dhinteen.

Leon County Sheriff Kevin Ellis ayaa u sheegay wargeyska in diyaaraddu ay isku dayaysay inay deg deg deg ku degdegto isla markaana ay raadiyaha kula xiriirtay Maamulka Duulista Federaalka xilligii ay dhacday.

Diyaaradda ayaa ka kacday Horseshoe Bay Resort, galbeedka Austin, waxayna ku sii jeeday Natchitoches, Louisiana, sida ku xusan diiwaanka duulimaadka, Diyaaradda waxay ka diiwaan gashanayd shirkad ku taal Lafayette, Louisiana.

Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ayaa sheegay inay baarayaan shilka.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*