DEG DEG:Magacabida Raysal wasaaraha Wararkii Ugu Danbeeyey,Sadex Beelood ee Isku Haysta.

Waxaa Buuq ka tagan yahay Magacaabida Raysal wasaaraha,Iyadoona Xogta Villa Soomaaliya Sheegayso Inay Wax Garadka Muqdisho Kulama Kala Danbeeya Villa Soomaaliya Kula Qaadanayaan Madaxweyne Farmaajo.

Inkasta oo wakhtiga Dowlada Dhamaad yahay Hadana Madaxweyne Farmaajo Ayaa Raadinaya Shaqsi cod loo istaago leh”Madama Hada Kadib Olole Doorasho la Galayo,Madaxweyne Farmaajo Ayaa Doonaya Shaqsi Doorashada Saamayn Ku Yeelan karaya.

Waxaana Ilo wareedyada Muqdisho Sheegayaan In Madaxweyne Farmaajo Aad Ula Kulmayo Xubno Ku Dhow Kuwa Mucaaradka .

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaah la xiriira doorashada sidoo go’aan rasmi ah looga gaari lahaa si loo qabto doorasho laga wada heshiiyay.

Shirka Maalintii labaad socda ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay soo bandhigeen qodobada qaar oo ay aksoo horjeedaan ee kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Madaxwyene Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyda, galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed shir ay ku yeesheen ka soo saaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo keentay in shir kale lagu qabto Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here