Jaamacada Umadda oo lacag la’aan wax ku baraysa ardayda reer Puntland.

Maamulka Jaamacadda Ummadda Somaaliyed Faraceeda Puntland oo kutaala Gobolka Sanaag Magaalada Badhan ayaa shaaciyey qorashaha bilowga sannad waxbarasheedka cusub iyo xilliga ay bilaabmayso diiwangelinta ardayda cusub ee jaamacadda

Agaasimaha faraca Puntland ee Jaamacadda ummadda Soomaliyeed Ustaad Caydaruus Axmed Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in 30 bisha Sagaalaad oo ku aadaneyd maanta ay bilaabmayso isqorista iyo diiwan gelinta ardayda cusub ayna soconayso ilaa 15 bisha tobnaad.

Agaasimuhu waxa uu shirka jaraa’id uu maanta ku qabtay Xarunta Jaamacadda ku sheegay in Waxbarasahada Jaamacaddu tahay bilaash laguna dhiganayo 4 kuliyadood oo kala ah

1.Kuliyada Sayniska qeybta Geological-ga

2.Kuliyada Caafimaadka qaybta Nurse-ka

3.Kuliyada Waxbarshada oo qayba badan ka kooban

4.Kuliyada Shareecada iyo luqada carabiga.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in imtixaanka aqbalaada jaamacadda la qaadayo 20 bisha isla markaana waxbarshadu furmayso 31 bisha tobnaad.

Wixii faahfaahin ah waxaad ku daawan doontaan video aan soo gelin doono.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*