Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo heshiis gaaray

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Saciid Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Baydhabo , waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Waxaa ay sidoo kale ku heshiiyeen ilaalinta amniga dadka kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*