Magaalada Laascaanood oo Soomaliland Ku Fasaxday Dad Qaba Cudurka Covid19 Walaac Weyn oo Jira

Wasiiro Iyo Siyaasin Maamulka Soomaliland Ka Tirsan oo Mudo Ku Sugnaa Laascaanood Ayaa laga Helay Caabuqa Covid19,Taasi oo Wal Wal Ku Abuurtay Dadka Gobolka Sool.

Soomaliland Ayaa Meesha Ugu Badan ee Xanuunka ka Jira waxay tahay Magaalada Hargeysa,Waxaana Maamulkaasi uusan Qaadin Xataa Inuu Joojiyo Ama yareeyo Socdaalka Dadka ka Tagaya.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koorre ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID19.Wuxuuna Mudooyinkani Ku Sugnaa magaalada Laascaanood oo Intii uu Joogey xanuunka Ku Dhacay.

Waxaa ka Jira Gobolka Sool wax u Eg Xanuunka Balse dadka Intooda Badan Ay U fasiraan Inuu hayo Hargab Sida Xogta Lagu Helayo.

Saleebaan Koore  ayaa sheegay in hadda xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana xarunta Covid 19 laga xaqiijiyay.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*