Sanaag:- Laba masuul oo diiday inay soo dhaweeyaan wafti Xamar kayimid

Wararka ka imaanaya Gobolka sanaag ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Sanaag uu diiday ka qayb galka soo dhoweynta wafti u socday jaamacada maakhir oo ku biirtay faracyada jaamacada ummada soomaliyeed (JUS)

Waftiga waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha jaamacadda umadda Somaliyeed waxaana la socday Xildhibaano Dowlada Federaalka katirsan iyo Masuuliyiinta Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo, Wasiiru Dowlaha Waxbarashda Puntland iyo Agaasime Waaxeedka Qorsheynta Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Waftiga ayaa waxaa soo dhoweeyey maamulka jaamacada maakhir odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo Aqoonyahanka, iyo xubno kamida Golaha Deegaanka Badhan.

Sidoo kale Waftiga ayaa xalay hoygiisa Maagalada Badhan waxaa ku qaabilay Suldaanka Guud beesha warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Lama ogola sababta ay uga qeyb qaadan waayeen soo dhoweynta Waftigan Maamulka Gobolka sanaag iyo kan Degmada Badhan maadama ay magaalada Badhan ku sugnaayeen xilliga waftiga imaanayay.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa shacabka Gobolku ku dhaliilaan mid fadhiida oo aan qaban shaqadii iyo masuuliyadii loo dhiibay haday tahay xaga horumarka iyo xaga amniga Gobolka iyo kan degmada Badhan.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. waxaani wafti ma aha, waa guddi uu sameeyey Goodax Barre oo uu sheegay iney Qaymeynayaan tayada iyo heerka waxbarasho ee Jaamacadaha Soomaaliya iyo Puntland.
    haddee ninkii Goodax inuu wax u qiimeeyo ka suga isaga ayaa cirka roob ku og. Dadku miyeysan ku quusan waxaa ku dhacay dhallinyaradii wax ka baran jirtey dugsiyaddii Xamar.
    War balweydiiya cidda ay ka socdaan iyo waxa ay u qaban karaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*