Sawiro:- CCWarsame oo muddo kadib lagu dhex arkay Villa Somalia.

Siyaasiga ugu wayn mucaaradka Somalia Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa muddo kadib, maanta tegay dhismaha xarunta dalka looga taliyo ee Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn u dhaliila siyaasadda dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa tani unoqonaysa markii ugu horeysay ee lagu arko gudaha Madaxtooyada.

Waxa uu kulan gaar ah oo saacado badan qaatay la yeeshay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labada masuul oo ahaa mid gaar ah ayaa laga sheegay in ay uga wada-hadleen arrimo xasaasi ah, sida doorashooyinka, marxaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo arrimo kale.

Raiisal Wasaaraha Cusub ayaa umuuqda mid raadinaya kalsoonida dhinacyada kasoo horjeeda dowladda maadaama uu yahay shaqsi ku cusub siyaasadda, waxaana magacaabistiisa ay timid xilli dalka uu kujiro marxalad kala guur ah.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*