Sawiro:- Turkiga oo Buuhoodle ka dhoofsatay Hal abuure muhiim u ahaa Bulshada.

Dawlada Turkigu ayaa Maanta so rasmi ah magaalada Buuhoodle Buuhoodle uga dhoofosay Eng Gulleed oo kamid ahaa Dhalinyarada Gobolka Ceyn.

Guuleed Oo Ahaa wiilkii Magaalada Boohoodle ku sameeyay diyaarada ayaa maanta u dhoofay Dalka Turkiga oo uu Deeq Waxbarasho ka helay kadib diyaarad loo soo diyaarad.

Dawladda Turkiga ayaa balan qaadkan fulisay kadib markay hore ay u ballan qaaday inay deeq Waxbarasho siin doonto Gulleed oo leh mihnad
Engineerimo iyo hal abuur balse aan haysan cid gacan qabata.

Sheekada Guuleed ayaa banaanka timid kadib markii Warbaahinta Somalida ay tebisay muuqaal kusaabsan isagoo soo bandhigaya diyaarad macmal ah oo uu sameeyay waana taas mida sababtay inuu helo fursadaan waxbarasho.

Dalkeena waxaa kusugan dhalinyaro badan oo leh hal abuuro cajiib ah kuwaas oo aanan helin taageere dhaqaale iyo mid dhiiragelin oo kaga timaada dadkeena iyo dadyooga kale ee Caalamka marka laga reebo mid mid hela fursadahaasi sida jaaniska Guuleed oo kale.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*