Shabaab oo toogtay labo ruux

Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalla degaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Hiiraan ay sheegtay.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in labadaan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa, sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM.

Axmed Max’med Abiirkar oo ahaa 33 sana jir ayaa gacanta lagusoo dhigay isagoo la shaqeynayay ciidamada AMIAOM ee ku sugan Jalalaqsi sidda ay sheegeen Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen Axmed in muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay balse markale uu dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM waxaana lagasoo qabtay tuulada Buurdheere ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa shalay xukun dil ah ku fuliyay.

Eedaysanaha labaad ee shalay lagu dilay degaanka Buq Aqable oo lagu magacaabo jiray Cabaas Max’med Cismaan ayay shabaab u sheegeen in uu la shaqeyn jiray qeybta sirdoonka ee magaalada Beled Weyne waxaana lagasoo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*