Somaliland oo ashtako ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u dirtay Beesha Caalamka

Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax Shaqo ah ku lahayn Nidaamka Doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo soo saaray ashtako ka dhan ah Dowladda Federaalka loo loo diray Beesha Caalamka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland oo la ogeeysiiyay QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Guud ahaan Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliland aysan wax Shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliland.

Soomaaliland oo aaminsan inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda waxaa kaloo lagu sheegay in 30 sano, kadib Somaliland ay tahay dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah.

Sidoo kale Soomaaliland waxaa ay sheegtay inay uga baaqeyso Shacabka ku nool degaannada Soomaaliland inay ka feejignaadaan cid kasta oo cadaw ku ah, isla markaana hal meel uga soo wada jeestaan.

Warkaan kasoo baxay Soomaaliland ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay galeyso waqti doorasho, isla markaana xubno Baarlamanka labada Aqal ku matalaya Soomaaliland lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Reer Mirqaansane idinku ilaa qiyaamaha konteenarkaa ka dhex qayliya KKKKKKKKKKKKKK
    Wax aad lasoo noqoteen ma jiraan ee baarlamaanka metela gobolada woqooyiga Soomaaliya xamaraa lagu dooranaa.
    Soomaali lakala goynaa majirto saaxiibayaal ee dadkiina dhinac kasoo raaca

  2. Dal dunida rasmi uga jira ayaa Qaramada Midoobay ku dacwoon kara. Bal duulkan 28ka sanadood lagu soo maadsanayay oo toos loogu muujiyay in ay nasakhan yihiin oo haddana soo taagan miyaanay damiir iyo dareen toona lahayn waa yaabee?

    Siminaarro aan toos u daawanayay ayaa waxaa ka dhex hadaaqay qaar “Somaliland” sheeganaya oo una hadlaya, iyaga oo su’aalo ay khubarada caalamka ka socday madaxa ka ruxeen golaha ku ganay. Min dhowr su’aalood ayaa halkii mar dadka loo fasaxayay ee Allow haddii juuq ba loo yiri oo su’aalahoodii lagaba hoos qaaday! Anigu yaxyax baan la jiriricooday runtii markii sida xun loo inkiray.

    Beesha Caalamku Soomaaliya midnimadeedu waa u muqaddas iyo lama taabtaan. Odayadan cirreystay waxaa 28kaa sanadood laga filayay in ay isku khajilaan oo ay iska aamusaan, laakiin xaggoodu waa shidanaaba shidan oo way isla sii qumman yihiin. Mandiqadda Geeska Afrika iyo khaas ahaaan waddamada Badda Cas saaran isbeddello waaweyn oo istraatiji ah ayaa looga munaaqashoonayaa oo laguna mashquulsan yahay.

    Kooxdan yar ee Hargeysa ku oodan oo ka soo dhex yuusaysa waxay dunida uga dhigan yihiin dukhsi maroodi dhegahiisa ka ag ciiyaya. Yaa naga aamusiiya fadeexaddooda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*