VIDEO: Faransiiska Iyo Turkiga oo Ku Dhex Dagaalamaya Dalalkii Xiisada Ka taagnayd Habjabadna Isku Diray

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada “aan laga fiirsan ee halista ah,” ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo “qabsashada” gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii.

“Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga.

“France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri.

Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.”
Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*