Xiisada Gobolka Sool ka Taagan Jabhada Sool,Sanaag Iyo Cayn oo Weeraray Soomaliland

Jabhada Hubaysan ee Loosoo Gaabiyo SSC Ayaa la Sheegay Inay Rasaas Is Weydaar sadeen Soomaliland Gobolka Sool.

Iska Hor Imaadkani Ayaa Dhacay Shalay Galinkii Danbe,waxaana la Sheegaya Inay Maamulka Soomaliland u Dirtay Ciidan badan Duleedka Tukaraq.

Xiisadani Ayaa ka Taagan Tukaraq ee Gobolka Sool,waxayna Wararka Sheegayaan Inay Ciidamo kale oo Puntland Iyaguna Halkaasi Gaadheen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dabley hubaysan oo ka tirsan Jabhadda ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Tukaraq.

Somaliland iyo Jabhadda SSC ayaan midkoodna weli ka hadlin Dagaalkaas waxaana adag in xog sugan laga helo Khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Jabhadda Dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug oo ku sugan Gobolka Sool ayaa inta badan weeraro gaadmo ah la beegsata Ciidamada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here