AFRIKA miyay ka adkaatay durayga dilaaga ah ee Covid-19? MUCJISO LAGU TILMAAMAY

 Maqaal ay maanta daabacday barta Aljazeera ayaa ciwaan loo ga dhigay “Mucjisada Afrika… Maxaa Diiday COVID-19 in uu gumaado dadka qaaradda madow?” Maqaalku wax uu si faahfaahsan u dabo galay bilow ilaa dhammaad duruufaha iyo waayaha qaaradda ee cudurkan iyo sida ay saadaashii xumayd oo dhami u beenowday.

Sannadkan bilowgiisii kolkii fayraska Corona caalamka soo weeraray judhiiba waxaa soo baxay oddorosyo badan oo wada niyad xun oo ku saabsan halista qaaradda ku soo fool leh, oddorosyadaa wada foosha xun oo ay hormuud ka ahayd Hay’adda Caafimaadka ee QM (WHO).

WHO wax ay sii saadaalisay dadka qaaradda ee tiradoodu tahay hal bilyan iyo 350 milyan in sannadka kowaadba rubuc ka mid ah fayrasku asiibi doono, halka ay 200 oo kun u dhiman doonaan. Gabadh ka mid ahayd dadkii Afrika wax ka sii qoray wax ay saadisay “in maydku waddooyinka daadsanaan doono”.

Hayeeshee runtu wax ay noqotay kolkii bukaankii kowaad ee COVID-19 qaaradda la ga helay dalka Masar badhtamihii bishii Feebarweri ilaa goortan oo xaaladdii adkayd la ga gudbay, Afrika wax ay noqotay mucjisada dunida marka loo eego qaaradaha kale.

Ilaa maanta dadka qaaradda cudurka waxaa u soo dhacay malyuun iyo nus keliya, halka Hindiya oo Afrika la tiro ah ay soo dhaceen in ka badan 6 milyan oo qof, iyada oo Hindiya imika maalin walba ay u soo dhacaan 80 kun halka Afrika tahay 8 kun. Qaaradda Afrika oo dhan waxaa cudurkan u dhintay 35 kun oo qof [Maraykanka oo Afrika afar jeer ka tiro yar dhimashadu wax ay ku dhow dahay 200 oo kun].

Haddaba sababta kowaad ee saadaasha Afrika loo sii xumaynayay waxaa la gu sheegay saboolnimada, daryeel xumada iyo dayaca dadka qaaradda la gu ogaa. Waxaa kale oo saamayn ku yeelan karta, waa aniga aragtidaydee, iyada oo WHO iyo ururrada samafalku ku shaqeeyaan oo qaadhaanka ku helaan qayladhaanta iyo dhawaaqa dhiillada leh.

Maxay yihiin haddaba sababaha yareeyay masiibadan COVID-19 ee qaaradda? Weli cudurku dunid wuu ku jiraa oo la ma oga sida ay arrintu ku dambayn doonto, waxaa se jira aragtiyo badan oo guushan loo aanaynayo, kuwaas oo male u badan ee aan weli dhab loo cilmiyayn.

1. Qaaradda dadkeedu wax uu u badan yahay dhallinyaro xoog ah haddii loo eego tusaale ahaan Yurub. Celceliska cimriga qofka reer Afrika sidiisaba waa 19 jir, halka Yurub tahay 43. Dalka Talyaaniga oo cudurkan aad loo gu dhintay dadkiisa waxaa 65 jir gaadhay 22.5% halka Afrika ay da’daa gaadhaan 3% keli ah.

2. Afrika waxaa ku yar cudurrada ay cudurrada kale dugsadaan sida macaanka, dhiigkarka [iyo cayilka].

3. Afrika waxaa yar qulqulka iyo isu socodka dadweynaha ee gobollada iyo degmooyinka saboolnimada iyo isgaadhsiin xumada darteed, taas oo hakin karta faafitaanka cudurka.

4. Dad badan oo qaaradda ah oo dhiig la ga qaaday waxaa caddaatay in ay ka difaacan yihiin cudurka, taas oo loo sababaynayo fayrasyadii kan la jaadka ahaa ee qaaradda dilooday oo jidhku ku tababartay.

5. Afrika qacdiiba waa ay iska xidhay dunida kale, dalalka badankoodana waxaa la gu soo rogay bandoo.

6. Cimilada Afrika kaalin bay ku yeelan kartaa waxyeellada fayrasyada qaarkood, oo tusaale ahaan cudurkii Spanish Flu qarnigii hore dadka reer Afrika dhimashadu wax ay ku koobnayd meelihii Ingiriisku joogay sida Simbaabwi.

Masalooyinkaas oo dhami waa qiyaas ee weli cilmi ahaan u ma sugna, la mana hubo fayraskan Corona in uu qaaradda sidaa ku dayn doono iyo in uu labakaclayn daran la iman doono.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*