Daawo:- RW. Rooble oo ka sheekeeyay dhibaatooyin uu la kulmay xilligii uu shacabka ahaa.

Raiisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu furayay wadooyinkii Muqdisho ee xirnaa muddo kabadan Afar Sano ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin waawayn oo uu la kulmay intii aanu noqon Raiisal Wasaaraha.

Mudane Rooble ayaa sheegay in dhibaato badan ay dhaxleen shacabka Muqdisho balse ugu dambayn lagu guuleystay in dhibkaas laga baxo.

Sababta loo furay wadooyinkii xirnaa ayuu sidoo kale ka sheekeeyay isagoona xusay in dhawaan xukuumadiisu ay qorsheynayso in la furo wado walbo oo xiran si shacabka ay dhibka uga baxaan.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*