DAAWO VIDEO:Ciidan Soomali Turkiga Iyo Maraykanka Tababaray oo Africa Dhan Mustaqbalka Difaacaya khibradooda

Ciidanka Danab waxay si toos ah u hoos tagaan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya, waxayna si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Hubka ay hesytaan waxaa siiya dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale mushaarkooda bixiya Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, inkastoo khubaro arrimaha militariga ku xeel dheer oo aan la hadalnay ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalka ay wax ku biiriso daryeelkooda.

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa ciidankan siisay tababar militeri oo ka sarreeya kan ay qaataan askarta caadiga ah, haddii ay ahaan lahayd xagga jir-dhiska, u fikirka xeeladda dagaalka, isticmaalka hubka kala duwan, farsamada dagaalka, fulinta hawgallada xilliyada habeenkii, sancada, furfuridda miinada, fulinta hawlo gaar ah – sida in guriyo loo dhaco ama diyaarad ay ka daataan- hawgal gaar ahna soo fuliyaan.

Ciiidamo la mid ah Danab ayuu Mareykanka u dhisay dalalka Afrika ee ay ka jiraan kooxaha Islaamiyiinta sida Nigeria, Mali, Cameroon iyo kuwo kale balse Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada militeriga ee Soomaaliya wuxuu sheegayaa in Mareykanka uu aaminsan yahay waxtarka ciidanka Danab.

“Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRIKOM, Jeneraal Townsend, waxaa uu hadda kahor inoo sheegay in ‘ciidamo lamid ah Danab ay u tababareen dalal badan oo Afrikaan ah balse kuwa Soomaalida ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee dhanka tababarka, kartida, geesinimada iyo xirfadda dagaalka’,” ayuu yiri Jeneraal Bariise.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*