DEG DEG:Ilhan oo Xaqiijisay Isku day Dil Trump Ku Qaarajinayey ee Ka Bad Baadey

Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya kana tirsan aqalka congress-ka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa fariin jawaab ah ku qortay barteeda Twitter-ka kadib eedeyntii ugu dambeysay ee madaxweyne Donald Trump uu u jeediyay siyaasadeeda iyo nolosheeda gaarka ah.

Qoraal kooban oo ay ku soo daabacday barta ay ku leedahay shirkadda Twitter-ka oo u muuqday inay ku tixraaceyso hadaladiisii ​​ugu dambeeyay ee isu soo baxyadii ololaha ee la qabtay Jimcihii iyo horraantii Sabtida ee uu eedeynta kulul ugu jeediyay ayaa waxa ay ku tiri;.

“Weerarada isdaba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga. Tan waxay u horseedayaan hanjabaado isdaba joog ah oo ka dhan ah nolosheena” ayey tiri Ilhan Cumar.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu horay u yiri,” Wadanka Mareykanka, iyada oo qaxooti ah kusoo gashay si sharci darro kana timid Soomaaliya, iyada oo 12 sano jir ah, hadalkaas oo ay Ilhan Cumar ka carootay.

Ilhaan Ayaa Xustay Shirqoolada Isku Dayga Dilka iyo Hanjabadaha Nolosheeda kala Kulmayso tageerayaasha Trump ee Ugu Hanjabaya Inay Dilayaan.

Trump Ayaa Sidoo kale Ku Tilmaamay Ilhaan  Inay Dalka Maraykanka Ku Keentay Walalkeeda Inuu Qabo,taasi oo uu Kulmaamay Inay Magac Dil tahay In Loo Ogolaado Siyaasada Maraykanka.

Trump Ayaa Madax xanuunka Qaaday Ilhan Cumar oo uu Lacag kasta Ku Bixiyey Inaysan Kusoo Laaban Aqalka Congraska Markii Ay Ka Guulaystay Ninka La tartamayey Xisbigeeda oo uu Tageeray Trumo Iyo Kooxda Israel.

Ilhan Cumar Ayaa Sheegtay Inuusan Trump Sharaf Dhac Ku Ahayn oo kaliya Magaca Madaxweyne Maraykan Ah oo Dadkiisa Mu’aamarad Dil U Baleegaya Lakiin Sidoo kale Sharaf Dhac U yahay Dhamaan Bulshada Maraykanka Inuu Hogaamiyo Nin Noocaasi.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*