DEG DEG:Soomaliland Oo Ay Ku cadaatay In Ay Shabaab Ku Tagaeeraan Dagaalka Muqdisho Iyo Puntland

Waxaa Xoogaysanaya Tuhunka Laga Qabo Inay Kooxaha Shabaab Tageero Xoogan ka Helaan Soomaliland,Iyadoo Daliil Looga Dhigayo Inay Weeraraan Puntland Gobolka Sanaag Halka Soomaliland wali Aysan wax Weerar Ku Qaadin.

Midaasi Looma Turjumayo Inay Soomaliland Ka Awood Badan  Puntland Ama Dowlada faderalka ,waxaana kasii Daran Soomaliland Inay Ku taalo Meel Muhim haday Doonayaan Kooxdaasi.

Mudo Badan Waxaa Puntland Iyo dadka Dusha Kala Socda xaaladda Soomaliya Tuhun Galinayeen Inuu Jiro Xiriir dano Badan oo ka Dhaxeeya Kooxda Iyo Soomaliland.

Shabaab waxay Mudo Ku Sugnaayeen Gobolka sanaag oo Soomaliland Haysato Inta badan ,waxayna Weeraraan Puntland Marka taasi Miyeyna Tuhun badan Ahayn’Ayey Sheegeen Saraakiil Puntland

Dhanka Kale Puntland ayaa beenisay kooxda Alshabaab inay shalay qabsadeen tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-qoray ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Taliyaha Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag, Gen. Cabdullaahi cumar Canshuur oo u waramay laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay inay Alshabaab shaqadoodu tahay dhuumaalaysi isla markaana ay jirin meel ay qabsadeen.

” Alshabaab wey jirtaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo hadba dadka iska soo tusayaan wey jirtaa laakiin meel ay degaan oo ay fadhiyaan ma jirtee dadkii lahaa baa jooga”

Kooxda Alshabaab ayaa maanta sheegtay inay qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka guryasamo oo u dhow degmada Laasqoray, sida ay ku daabaceen warbaahintooda.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Dhulbahante, wax kale oo lagu xantaba doqinimo laguma ogayn . Maantase waxaa soo baxay ciyaal caqliga aad u maleeso inuu meel kale ka jiro. Bal ninkan wuxuu soo qorayo fiiriya. Yacnihii waxaa uu jeclaan lahaa in Alshabaab ku galgalato Waqooyi.

    Somaliland kama awood badno kulahaa Federaalka iyo PL. War la’aan baa wacad Ilaahay ku haysa. Somaliland haday rabaan inay Ilaa Balad Weyne socdaan ruux hor istaagi ma jiro. Waa hadday xumaan rabto. Rag koox argagaxisa ku gabada iyo nin Xabashi daba fariista maaha. Tukaraq baana marqaati ah. Duhur cad bay xoog ku qabsadeen PL,ilaa maantana waa taas fadhido. Markaa waxaan dhihi lahaa ceebta iyo Ilaaqda inta la iska dhaafo, nabada ha lagu joogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*