Duulaan ka dhan ah Somaliland oo ka bilaabanaya Gobolka Sanaag

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa sheegay in uu socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaa saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Dhaqdhaqaaqaan oo ka dhan maamulka Somaliland ayaa ka socda Degmada Xingalool ee gobolkaasi waxaana saakay noqday deegaankaasi saraakiil katirsan Daraawiishta Puntland.

Ciidamada Puntland ee fariisimaha kuleh degmara Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa saaka waxaa kormeeer ugu tageen Taliyaha aaga gobolka Sanaag ee daraawiishta Puntland General Cabdullaahi Cumar Cashuur iyo Abaan duullaha Ciidanka Daraawishta Puntland General Siciid Goroyocawl.

Ujeedka kormeerkooda ayaa lagu sheegay in la diyaarinayo duulaan ka dhan ah maamulka Somaliland waxaana ciidamada Gobolka Sanaag la faray in ay udiyaar garoobaan dagaal balaaran oo la bilaabanaya guud ahaan gobolkaasi.

Arintaan ayaa imaanaysa xilli Somaliland ay iyana dhaqdhaqaaq ka wado Gobolka Sool kaas oo ay ku doonayso in ay ku qabasato degmadii ugu dambaysay ee ka maqan gacanteeda waana Degmada Boocame.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*