Khilaaf Culus oo Soo Dhex Galay Labada Hogaamiye Ugu sareeya Soomaliland Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa isku seegay qorshihii uu Muuse ku horkeenay golaha wasiirada xayiraad ka qaadida shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia, iyada oo wasiir kaahin doonayey in madaxweynuhu toos uga qaado balse ay lama filaan ku noqotay doodaha sharciga iyo heshiisyada ee Muuse la ymid miiskii wasiirada.

Sidoo kale mudadii shirku socday ayey wararku sheegeen in wasiir Maxamed Kaahin ay is af dhaafeen qaar ka mid ah wasiirada oo uu ka mid yahay Siciid Sulub.

Khilaafka labada kornayl ayaa sababay in wasiir Kaahin ka hadho safarka Muuse Biixi ugu baxay gobolka Togdheer iyada oo ilaa hada aanay khilaafkooda xal ka gaadhin.

Dhinaca kale masuuliyiin ka soo jeeda bariga Burco oo ay ka mid yihiin wasiir Hinda Gaani, Gudoomiye Xinif iyo xubno kale ayaa madax dhaqameedka Habarjeclo kula kulmay Burco kuwaas oo ka codsaday cuqaasha iyo salaadiinta beeshooda inay soo dhaweeyaan madaxweynaha iyo weftigiisa.

Dhinaca Bari ee magaalada Burco ayey sidoo kale wareegayaan baabuur lagu xidhay mikirifoono kuwaas oo shacabka ka dalbanaya inay u soo baxaan soo dhawaynta Muuse Biixi

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*