Madaxweynaha Puntland oo Safar ku Aadey Imaraadka iyo Qorshaha Imaraadka Doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Wararka laga helayo safarka Madaxweyne Deni uu ku tegayo Itoobiya ayaa sheegaya inay tahay arrimo la xiriira doorashooyinka 2021-ka, waxaana uu maalmo kaddib uga soo gudbi doonaa wadank Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddo 14 maalmood ka hor booqasho ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, hayeeshee xogo badan aan laga helin kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaas.

Imaraadka Carabta Ayaa Lagu Eedeyey Inay Xiligani Doonayso Galaan gal Maamulada Inay Lacag Ku Siinayso Tageerada Musharaxa Ay Door Bidayso.

Lama Sheegin Ilaa hada Musharaxa Ugu Danaynta Badan Imaraadka Inay tageerto Balse waxaa Siweyn Soomalida Ugu Jira Inay tageerayso Cabdiraxman cabdishakuur Ama Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*