Maxkamad Saaxdheer ee Sool oo Xukun Odayaal Go’aan Looga Gaadhey Ragii Dhawaan Lagala Soo Baxay Saldhiga Laascaanood

Maxaabiistii dhawaan lagala baxay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayey xukun ku riday maxkamad ku talaa degmada Saaxdheer ee gobolka Sool.

maxkamad islaami ah oo ku taala degmada Saaxdheer ayaa  dil ku xukuntay laba kamid ahaa lix eedaysane oo loo haystay dilka laba nin oo ka dhacay deegaanka kalabaydh gobolka Sool kuwaas oo lagala baxay xabsiga dhexe ee Laascaanood.
sidoo kale waxase cafiyay reerkii ay ka dhasheen raggii ay dilleen maaddaama ay gacan ku dhiiglayaashii oo ay kala soo bexeen saldhig boolis oo laascaanood ku yaalla ay hortooda keeneen.
Taas bedelkeeda waxa lagu xukumay midkiiba boqol halaad.
Laba kamid ah afarta eedaysane ee kale ayaa markii la xaqiijiyay in laba ka mid ahi aanay hub sidan markii dilku dhacayay balse ay la socdeen, lagu xukumay min shan halaad.
Halka labada kale oo qoryo sitay balse la xaqiijiyay in xabad ay rideen aanay dil geysan ayaa lagu xukumay min toban halaad..

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com