Muuse Biixi oo Maamuusay Nin Umada Soomaaliyeed oo Dhan Qadarinayaan Balse Muxuu Somaliland Muhim Ugu Yahay?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasabad xus iyo maamuus ah u qabtay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka tirsanaa  ciidankii cirka ee dowladdii Jaalle Siyaad, Islamarkaana ahaa duuliyihii fulin waayay amarkii lagu siiyay in uu duqeeyo Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddaas lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda dadka Soomaaliyeed, oo xalay lagu qabtay madaxtooyada Hargeysa, taas oo uu abaabulkeeda lahaa madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qaybgalay Guddoonka Golaha wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda, siyaasiyiin, Taliyaal ciidan iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxa  laga jeediyay khudbado kala duwan, oo ku saabsan xuska iyo maamuuska Go’aankii duuliye Axmed Maxamed Xasan, uu ku badbaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa, kadib markii Taliskii Siyaad Barre ku amray in uu duqeeyo magaalada.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan shacab ah iyo hantidooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga dhisi doono guri isaga u gaar ah.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Sharaf iyo Gobanimo waa taa Alaylehe Sharafi waa taa Iyo muhiimada shaqsiga umada ilaahay wax u tara, ama badbaadiya.
    Duuliye Ahmed waxa uu sameeyey wax cajiiba wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh, waxa u badbaadiyey Maato Qaxaysa oo lafahooda la cararayey, ilaahay haka Abaal mariyo wanaagaa iyo naxariista uu sameeyey.
    Waxay u tahay tusaale fiican soomalida oo dhan inay wax ka bartaan in dulmiga la diido lagana fogaado dhibaataynta umada soomaliyeed naftooda iyo maalkooda.
    Duuliye Ahmed dheere Ilaahay haku Asturo If iyo Aakhiraba Abaal weyn ayaanu kuu haynaa I thankyou a lot Sir.
    Cimriga alah hakuu dheereeyo Aakhirana halkii Roon.aamiin Aamiin.

  2. yaa idinku yiri soomaali oo dhan baa qadarisa-,adeer isaga ,muuse iyo inta la mid ah midna qadarin ma mudna ,dalka canshuurtiisii baa wax lagu soo baray ,saraakiil ciidan bay ahaayeen ,ugu dambeyna dalkoodii iyo dadkoodii bay qiyaameen-qaa’in qaa’in bilad siiyey weeye-taariikhduna saas bay u taqaan ,una aqoon doontaa-

Comments are closed.