Turkiga oo tababar cusub u billaabay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa bilaawday inay tababar Cusub u furto 450 askari oo kamid noqon doona Ciidamada lugta ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga guud ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadaas ay kamid noqon doonaan kuwa lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaaana ay ka qeyb qadan doonaan dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagaxisada.

Ciidamadaan oo tababarka loo furay ayaa waxaa lagu dhaariyay xarunta  tababarka ciidamada ee TurkSom ee kutaala magaalada Muqdisho, iyaga oo dhowr bilood, kadib tababarka loo soo xiri doono si ay u guda galaan howlihii loo tababaray.

Munaasabadda tababarka loogu furayay Ciidamada oo lagu qabtay xarunta  tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.

Ciidamadaan tababarka looga furay Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin dufcadii lixaad oo dowladda Turkiga ay u tababarto Ciidanka lugta Soomaaliya, waxaana Ciidamadii horay loo tababaray ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada ka socda Gobolada dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, waxaana Muqdisho ka furtay Saldhig weyn oo lagu tababaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*