XOG Droneska Turkiga oo Bahdiley Droneska Israa’iil Dagaalka Azerbaijan Iyo Armenia Kana Ficna

Armenia iyo Azerbaijan waxay ku jireen xaalad colaadeed muddo tobanaan sano ah muranka ka taagan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh,Balse  fiidiyoow argagax leh oo ay sii daayeen Labada Dal,maalmihii la soo dhaafay ayaa muujineysa in hadda Ku Dagaalamayaan  tiknoolajiyad casri ah oo cusub – oo aad u halis badan.

Mid ka mid ah fiidiyowga sida gaarka ah u yaabka leh ayaa umuuqda inuu muujinayo askarta Armenia oo si ba’an rasaas ugu ridaya cirka iyadoo dhawaqa cirka isku shareeraya uu ku sii kordhayo,wax U Eg  sida duqeyntii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka . Ilbidhiqsiyo ka dib, diyaarad Drone ah ayaa Soo Dhacday.

Waxay tusaale u tahay sida diyaaradaha drones-ka ee hubeysan, ama kuwa aan duuliyaha lahayn ay u Hogaaminayaan Dagaalka  militariga Xiligani , waxay sare u qaadayaan khasaaraha ka dhasha Diyaaradaha Droneska Waxay sare U Qaadayaan Dagaal Balaadhan Armenia Iyo Azerbaijan ,oo Hore u Ahaan Jirey  kuwo heer hoose ah.

Markii duqeymaha casriga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn La Adeegsado dagaalada ,waxay Ahayd  todobaadyo uun ka dib weeraradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001, waxaa awood ku lahaa Xiligaasi dalal awood leh sida Mareykanka Weerarkiisi Ugu Horeyey Droneska Ku Qaaday Taalibaan iyo Al-Qaacida.

Laakiin taasi way is beddeleysaa iyadoo tikniyoolajiyadda aan duuliyuhu wadin ay ku sii faafayaan waddamada yar yar ee iskahorimaadyada ka socdaan,laga bilaabo Liibiya illaa Buuraha Caucasus.

Dagaalka  Nagorno-Karabakh ayaa Muujinaya, adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududaato qaadista dagaallada hawada waxay u badan tahay inay horseeddo, dagaallo noocan oo kale ah Dhamaan Dowladaha Yar Yar ee Khilaafka u Dhaxeeyo.

Markii Hore waxaa Kaliya Hortaagnaa Adeegsiga Drones   Mareykanka oo si adag u xaddiday dhoofinta Qalabka Drones In badan oo Aduunka. Laakiin Shiinaha, Israa’iil iyo Turkiga Ayaa Maanta kala Wareegey Hogaanka Adeegsiga Iyo Soo Saarista Droneska , oo ay si ballaadhan u dhoofiyeen ,Loona Isticmaalayo dagaalo Badan.

Sanadkani  2020 Ayaa Ah Isticmaalka Ugu Weyn Droneska, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ay sameeyeen,Israel,China Iyo Turkiga  waxaa loo adeegsaday seddex dagaal oo ay iskaga horyimaadeen jilayaasha gobolka midba midka kale, Isku Dheelitirka Iyo Wax tarka waxaa Hogaaminaya Diyaaradaha Droneska Turkiga Dhamaan Guulaha Howl Galka,Waana dalka Ugu Qasaaraha Yar Burburka Droneska Turkigu.

Isutagga Imaaraatka Carabtu wuxuu geeyay diyaaradaha Shiinaha ee loo yaqaan ‘Wing Loong drones’ sanadkii la soo dhaafay si ay u taageeraan Khaliifa Hafter Dagaalka  Liibiya, halkaas oo ay ku heleen sumcad xumo weerarada dilaaga ah iyaga oo adeegsanaya gantaalaha la yiraahdo “Blue Arrow” ee lagu hago laser-ka . 

Markii uu Turkigu soo farageliyey Libya Tageerada Dowlada GNA , wuxuu geeyey raxan diyaarado ah nooca loo yaqaan ‘ Bayraktar TB2 drones’ , kuwaas oo aakhirkii qarqiyay oo burburiyey inta badan nidaamkii difaaca cirka ee Ciidanka hafter  ee Ruushka dhisay, taas oo ku qasabtay ciidanka inay joojiyaan go’doominta Tripoli oo ay ka baxaan. laga bilaabo saldhigga hawada muhiimka ah ee Alwitiya Bishii Maajo .

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa sidoo kale sanadkan hoos u Dhigay Awooda  ciidamada Bashar al-Assad ee gobolka Idlib ee Suuriya, iyagoo burburiyay in ka badan 100 gawaarida gaashaaman – taas oo keeneysa weerarkii ugu horreeyay ee guul-darrada ah ee Asad ku qaado mucaaradka mucaaradka Turkiga Tageerto.

Dhawaan  Turkiga ayaa u wareejiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Azerbaijan , oo Udhexeeyey Khilaaf  in ka badan soddon sano colaad ay la gashay Armenia oo ku saabsan gobolka Nagorno-Karabakh.

Ka Hor Dagaalka Turkiga Ayaa tababar Xirfad leh Siiyey Azerbaijan Dhoolotus Mudo Bil Ku Dhow Socdey,waxa Soo Jiidashada Leh Ayaa Ah Tababarka Droneska Ayaa Aad Uga fudud Diyaaradaha kale ee waaweyn.

Inkasta Israa’iil Hub Siinaysey Azerbaijan Hadana Sida Turkiga Ugu Tababarayey Azerbaijan maysan Siinayn Israel Waana Sababta Armenia U Arkaysey Kaliya tageerada Turkiga uu Bixinayey.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*