XOG Erdogan oo Ku Hanjabey Inuu Weerarayo Faransiiska Dunida Islaamka oo Xirirka U jaray Faransiiska

HAKKARI'NIN YUKSEKOVA ILCESI'NDE HAVALIMANI ACILIS TORENINE KATILAN CUMHURBASKANI RECEP TAYYIP ERDOGAN KURTCE KURAN'I GOSTERDI.(FOTO:MURAT CAGLAR / YUKSEKOVA, DHA)

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in Yurub ay diyaarinayso aakhirkeeda iyada oo ay sii kordhayso Islaam nacaybka guud ahaan qaarada.

“Yurub waxay diyaarinaysaa aakhirkeeda wajigeeda ka dhanka ah Muslimiinta,” ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ka hadlaya kulanka xisbigiisa xukuma Cadaalada iyo Horumarka (AK Party) oo ka dhacay garoon ku yaala gobolka bartamaha ee Kayseri.

“Haddii aysan ka takhalusin cudurkan sida ugu dhaqsaha badan, wuxuu ku burburi doonaa dhammaan Yurub gudaheeda,” ayuu raaciyay Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku eedeeyay muslimiinta “gooni u goosad” isla markaana wuxuu ku tilmaamay diinta Islaamka inay tahay “diin dhibaato ka taagan adduunka oo dhan”.

“Maxaan ka dhihi karnaa madax dowladeed oo sidan ula dhaqma malaayiin xubnood oo kala diin ah wadankiisa,” ayuu yiri Erdogan.

“Ugu horreyntii, [Macron wuxuu u baahan yahay] baaritaanno maskaxeed.”

Wuxuu cadeeyay in fashiismka yurub uu galay waji cusub oo ah weerarada xuquuqda muslimiinta, asaga oo tixraacaya weeraradii boliiska ee dhawaan lagu qaaday masaajid ku yaal caasimada Jarmalka, Berlin, oo uu cambaareeyay jimcihii.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay Faransiiska inay gacan ka geysaneyso qabsashada Armenia ee tobaneeyo sano ay qabsatay gobolka Karabakh ee Azerbaijan.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*