XOG Pakistan oo Ku Dhawaaqday Tageerada Azerbaijan,Diyaarad Labaad Ruushka lasoo Ridey Armenia

Azerbaijan ayaa lagu soo waramayaa inay soo ridday diyaarad dagaal oo ay leedahay Armenia subaxnimadii Sabtida,degmada Jabrayil 17-kii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaarada gaashaandhiga dalkaasi. 

Bayaan ay soo saartay, wasaaraddu waxay ku sheegtay in dayuuradda Su-25 ay isku dayaysey  inay duqeymo ka geysato goobaha ay ku sugan yihiin Azerbaijan ee gobolka Jabrayil.

waa Diyaarada Labaad oo Ruushka sameeyey ee Armenia Laga Soo Ridey,Tan Iyo Intii dagaalka Ka Qarxay labada Dhinac.

Diyaaradda waxaa burburiyey ciidamada Azerbaijani abaarihii 11:11 am [0711GMT], ayaa lagu yiri qoraalka. Mar sii horreysay, wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in militariga Azerbaijan ay xaqiijiyeen Qabsashada Deegaano “faa’iido leh” jihooyin muhiim ah oo ku yaal jiidda hore.

Waxay sheegtay in Armenia ay “si aad ah ugu xad gudbeyso” xabad joojinta bani’aadamnimada tan iyo subaxnimadii Sabtida, iyadoo ay kordheen weerarada ka dhanka ah gobollada Terter, Aghdam, Barda, iyo Aghjabadi.

Azerbaijan sidoo kale waxay Sabtidii ka xoreysay magaalada Fuzuli iyo dhowr tuulo oo ku hareeraysan Kana Qabsatay Armenia.

Taasi waxay dhacday saacado kadib markii Armenia ay weerartay gantaal horaantii sabtida Ganja, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 rayid ah, oo ay ku jiraan laba caruur ah, in kabadan 40na ay ku dhaawacmeen.

In kabadan 20 guri ayaa sidoo kale burburay, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah. Waxay ahayd markii labaad ee Armenia Duqeyso Ganja.

Tan iyo markii iska hor imaadyo cusub ay ka dhex qarxeen labada dal bishii Sebtember 27, Armenia waxay sii waday weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo ciidamada Azerbaijan.

Laga soo bilaabo galabnimadii Sabtida, Armenia waxay dishay ugu yaraan 60 qof oo rayid ah oo Azerbaijan ah iyadoo ay dhaawaceen 270 kale, sida ay sheegeen saraakiisha Azerbaijan.

Tirada guryaha ku waxyeeloobay weeraradii Armenia waxay gaareen 1,704, oo ay weheliyaan 90 dhismeyaal la degan yahay iyo 327 xarumood oo rayid ah, sida uu sheegay  Azerbaijan.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*