XOG SIR:Xasan Sheekh Maxamud oo safar Qarsoodi Kula Kulmay Israel Iyo Sirdoonkooda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in MW hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar uu halkaa kula kulmay Sirdoonka Israel.

Sida lagu qoray Twitter ay leeyihiin Somali News Updates, Xasan Sheekh ayaa magaalada loo dalxiis tago ee Sharma Al Sheekh kula kulmay Sirdoonka Israel.

Xogtan oo aan si rasmi ah weli loo xaqiijin karin ayaa sheegaysa in laga wada hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin doorashada soo aaddan iyo xiriir ay yeeshaan Somalia iyo Israel oo aan abid yeelanin xiriir rasmi ah.

Sida lagu qoray Twitter-ka, MW Maraykanka ayaa horay MW Somalia ugu bandhigay inuu xiriir rasmi ah la yagleelo Israel, balse wuu diidey, sida ay qoreen.

Maamulkii uu Xasan madaxwaynaha ka ahaa ayaa horay mar loo hadal hayey inay kulan qarsoodi ah la yeesheen nidaamka Tel Aviv 2016-kii, iyadoo ay haatan ilaa 3 dal oo Carbeed ay xiriir toos ah la yeesheen Israel oo aan waxba ka tanaasulin.

Ma jiraan ilo kale oo madax bannaan oo warkan xaqiijinaya, waxaan sidoo kale ka hadlin Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamud Ayaa Lagu xasuustaa Xiriirka Wanaagsan ee Dowladiisa La Lahayd dalalka Khaliijka ee Sucuudiga iyo Imaraadka,waxaana Xasan Sheekh Maxamud Aqbalay Inay Dalalkaasi dagaalka Yemen Adeegsan karaan Hawada Soomaaliya.

Dagaalka Yemen oo Lagu canbaareeyey Dowladaha Ka Qeyb Qaatay waxaa Lagu Tilmaamaa Inay Ka Dhaceen Fal Danbiyoodyo Ay Geysteen Dalalka Ay Hogaaminayaan Sucuudiga Iyo Imaraadka.

Kulankani Qarsoodiga Ayaa Imaanaya Xili Dalalka Carabta wanaajinayaan Xiriirka Diblumaasiyadeed ee Israel.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Comments are closed.