1 Comment

  1. Oo ma dhallaan iyo da’yar baa idiin dhaqan oo diirsaday bal indha’adaygga intaas la’eg? Sida ay hay’adaha caalamigu xaqiijiyeen dhalliinyarada Soomaaliyeed ee tahriibta ku lee’anaysa 70% gobollada Woqooyi Galbeed ayay ka soo jeedaan, halka kuwa xeryaha qaxootiga Liibya, Giriigga, Turkiga, iyo Talyaaniga ku darxumeysani ay ilaa 80% reer woqooyi yihiin.

    Waxaa tiradaas la mid ah inta waddamada Yurubta gashay oo woqooyinimada ku seegay aqoonsiga laaji’nimada oo waddamadaas ku seegseegan, aniguna aan indhahayga kusoo arkay. War waxba yaan isku dir la ahaaninee armaynu Soomaaliyeey dadnimada uun isku qaabilnaa oo bina-aadam ahaan aadmiga kale sidooda qarannimada wada oggolaannaa oo dayaca iyo darxumada kaga wada baxnaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*